Lamaane arooskooda ku soo labistay funaanadaha Fransiiska iyo Argentina

Lamaane ku nool gobolka Kerala ee koonfurta Hindiya ayaa jacaylka iyoo Taageerada ay u qabaan kubbadda cagta mar waliba muujiya iyagoo wadanka ay kunool yihiin ee Hindiya uu caan ku yahay cayaarta Cricket-ka.

Nasiib wanaag lamaanahan oo lagu kala magacaabo Sachin R iyo R Athira ayaa Taariikhda xafladooda meherka waxay ku soo beeganatay finalka Axada ee ciyaartii adkeyd ee dhexmartay Argentiina iyo Fransiiska, Sachin R iyo R Athira ayaa waxay labaduba ku soo kala labisteen dharka xulalkii ay kala taageerayeen ee cayaarta finalka.

Sachin ayaa taageere aad u weyn u ah xiddiga Argentina Lionel Messi, halka Athira ay tahay taageere aad u jecel kooxda kubadda cagta ee Faransiiska.

Saacado ka hor inta aysan labada xul ku kulmin garoonka Lusail ee dalka Qatar mid ka mid ah ciyaarihii ugu quruxda badnaa taariikhda koobka adduunka ayaa waxa ay isku guursadeen xaflad ka dhacday magaalada Kochi ee Goblka Kerala.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker