Al-Shabaab oo Shaacisay Tirada Ajaanibka ah ee ay ku Dileen Weerarkii ay Xalay ku Qaadeen Xerada Xalane

Muqdisho (OWN) – Xarakada Al-Shabaab ayaa war cusub ka soo saartay weerarkii madaafiicda ahaa  ee ay shalay ku qaaday gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

 

 

Qoraal ka soo Baxay Al-Shabaab ayay   Guullo  Ka  sheegateen Weerarkaasi, iyaga oo shaaciyey inay ku dileen illaa Afar Ajaaniib ah oo ku sugnaa xeradaasi.

 

 

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa warkan ku sheegatay inay Weerarkaasi Hoobiyeyaasha ah ay ku dhaawacday illaa saddex kale, sida ay hadalka u dhigtay.

“Duqeyntii ay dagaayahanada Al-Shabaab shalay ku qaadeen Xalane waxaa ku dhintay 4 ajnabi ahaa, seddax kalane dhaawacyo ayaa soo gaadhay.” ayaa lagu yidhi warka Al-Shabaab.

 

 

 

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee degan xarunta Xalane oo ku aadan weerarkaasi.

Xalane oo ay sidoo kale dagan yihiin safaarado iyo hay’ado caalami ah ayaa waxaa xalay lagu qaaday weerar kale oo madaafiic ah, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

 

 

Si kastaba ha’ahaateen Weerarkii shalay  waxaa khasaaraha ugu badan uu ka soo gaadhay Qoysas Deganaa Xaafadda lagu magacaabo Tarabuushka oo ka tirsan degmada Wadajir Ee  Magaalada Muqdisho  kadib markii ay ku dhaceen qaar mid ka mid ah hoobiyeyaashii la tuuray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker