Madaxweynaha Somaliland oo Xil Magaacbid Sameeyaay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu magacaabid iyo Isku-Bedel ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
1. In Maxamed Cilmi Axmed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
2. In aan Guddomiyaha Gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.
3. In Xasan Daahir Xaddi Abraar laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland.
4. In Bashiir Sheekh Cumar Good laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Safiirka Dalalka Maraykanka iyo Kanada u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker