Taageeradii Shacbigu u Hayeen Madaxwayne Farmaajo Way-dhamaatay: Xildhibaan Ahmed Macalin Fiqi

Muqdisho (OWN)-Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa warbixin dheer ka qoray isbadalka ku yimid taageerada madaxweynaha Soomaaliya uu ka heystay Shacabka Soomaaliyeed.

Qoraal uusoo dhigay Bartiisa Facebook kaga hadlay arimo dhowr ah, wuxuuna ku sheegay in madaxweynaha marka uu wayay kalsoonida Shacabka Soomaaliya inuu ku tilmaamay Al Shabaab iyo Qabiilo is abaabulaya, waxaana uu qoraalkiisa uqornaa sidan:-

AAMUSNAANTA & QAYLADA MASAAFO DHEER AYAA U DHEXAYSA!

Marka fatwada culimadu ay kiro noqoto, siyaasi horey u fashilmayna uu u istaago difaacidda mid kale oo wadadiisii haaya, qaaqle shidaal lagu soo shubo, ogaada daaha gadaashiis waxaa ku jira hogaamiye fashilmay oo aan dayactir lahayn!
Abu Xaamid Algazaali ayaa laga hayaa “Shacabka waxaa lumiya Madaxda xun, Madaxda xunna waxaa marin-habaabiya wadaad xumayaal. Haddii aanay jiri lahayn garsoorayaal xun iyo wadaad xumayaal, waxaa yaraan lahaa xumaanta & qaladaadka madaxda ayagoo ka cabsi qaba in ay ka hor-yimaadaan kuwaasi”

Markii madaxweynihii dadkii uu taageeradooda taladaa ku yimid oo ka cabanaya dhibaatoooyinka ka soo gaarey hogaan-xumidiisa uu ku tilmaamay “qabiil iyo shabaab” uuna ugu hanjabay inuu ku qaban doono gacan-bir ah, meeshii laga sugayey in uu keeno xalka dhibkii dadku ka cabanayeen, fariimahaas hanjabaadaha ah waxay ku haboonaayeen in uu u diro kuwa “shacabkaas dhibaatada ay ka cabanyeen u geysanaya iyo argagixisada qaraxyada gaysanaysa, si maro loogu geliyo hadaladaas deelqaafka ah waxaa warbaahinta lagu soo yaacshay maalmihii na gudbay “wadaado fatwada laga ijaartay, iyo qaaqlayaal dalkaan laga yaqaano, waxaana heeso xawilaad ah soo qaaday fanaaniin beeleedyo”.

Waxaa la isweydiinayaa haddii taageeradii madaxweynuhu ay ku soo koobantay kooxahaas, uuna dadka ka aragtida duwan ku tilmaamay “qaran dumis, siyaasiyiin xanaaqsan, qabiil, haddana uu marayo shabaab” tolow mudada u harsan ee labada sano ku dhow muxuu adeegsan doonaa maadaama kalimaad danbe oo erayo xun lagu cabbiri karo aysan harsanayn!

Madaxweynaha waxaan xusuusinayaa in aamusnaan dheer iyo qaylada codka dheer lee soo biodada ah, ay jirto masaafo dheer oo u dhexeysa, halkaasna ay tahay barta laga baadi-goobayo xikamdda lunsan ee hogaamiye laga rabo, u wakiilashada in ay magaciisa ay ku hadlaan kuwa bulshadu ay nacday hadalkooda, kama ridayso mas’uuliyadda dastuuriga ah ee saaran ee laga rabo in uu dalkan ku hogaamiyo mudada kooban ee u dhiman si ka turjumaysa baahida dadka iyo marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo.

oodwaynenews office Hargaysa : BY Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker