Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dhaawacay weerar uu ka geystay Talyaaniga

Rome (OWN) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay Weerar uu nin Soomaali ahi ka geystay magaalladda Rimini ee gobalka Emilia-Romagna ee  dalka Talyaaniga.

 

 

Wargeyska Corriere di Bologna ayaa laga soo xigtay in ninka weerarka fuliyey uu Toorey ku dooxay dadkaasi, xilli ay la socdeen Bas ka yimid Riccione, kuna sii jeeday Rimini.

 

 

Sidoo kale warbixinta uu daabacay wargeyska ayaa intaasi ku sii dareysa in eedeysanaha oo 26-jir ah  uu Tikid la’aan raacay Baska, kadibna markii ugu horreysay uu toorey ku dhuftay laba haween ah oo u xil saarnaa hubinta Tikidhada, sidoo kalena uu sii dhaawacay saddex qof oo kale oo ka mid ahaa Rakaabkii kale ee la socday Baska.

 

 

 

Dadka dhaawacmay sidoo kale waxaa ku jira wiil yar oo 5 sano jir ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaalada uu weerarka ka dhacay.

 

 

Intaas kadib eedeysanaha ayaa isku dayey inuu baxsado, isaga oo si deg-deg ah uga degay gaadhigii , balse waxaa durbaba qabtay boolis ka agdhowaa halkaasi.

 

Weli ma shaacin boolisku magaca ninka Soomaaliga ah  ee weerarka geystay, balse waxa ay u muuqataa inaanu wax Xidhiidh ah la laheyn kooxaha Argagixisada, iyada oo Loo badinayo inuu isticmaalay mukhaadarad, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya ee laga helaya Talyaanigu.

 

 

Eedeysanaha Soomaaliga ah ee gacanta lagu dhigay ayaa dhowr bilood ka hor tegay Talyaaniga, isaga oo qaxootinimo ku galay dalkaasi, balse ma helin wax aqbalaad ah.

 

 

Maaha  dhacdo ugub ah in nin Soomaali ahi uu weerar ka geysto Europe, waxaana dalal kala duwan laga soo wariyey weeraro ay geysteen Soomaali oo sababay dhimasho iyo dhaawac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker