Madaxwayne Biixi oo Raba inuu Reer Awdal ku Qanciyo inay Doorashada Wakiilada ku Galaan sidii hore

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa inuu  Safarku Tago Toddobaadka danbe magaalda Boorama.

 

Madaxwayen Muuse ayaa ujeedka socdaalkiisu yahay in uu hogaanka dhaqanka Awdal ku qanciyo in ay doorashada ku galaan sidii hore oo la iska iloobo saami qaybsiga.

 

Muuse ayaa toddobaadkan la kulmay Hogaamiyihii Maamulkii Khaatumo  Pro Cali Khaliif Galayr iyaga isla qaatay sidii Deegaanadaa looga codayn lahaa, waxaana isla toddobaadkan la ansaxiyey labbo xubnood oo guddiga doorasaha uga wakiil ah xisbiyadda mucaaradka , waxaana xilkii laga Qaaday  Gudoomiyihii  gobolka  Awdal, iyadda oo kaliya ay hadhan tahay go’aanka gobolka Awdal.

 

Gobolka Awdal ayay hogaanka dhaqankiisu ku celcesheen wax badan ina ayna doorasaha ka qayb galayn, ilaa la saxo saami qaybsiga, oo Deegaanada  laga qabto tiro koob lagu qaybsado kuraasta ama Degaan ahaan loo qaybiyo,

Balse waxaa taa ka biyo diiday siyaassiyiinta Siyaasiyiinta  oo ilaa hadda aan dhag jalaq u siin, iyaga oo liiska caqabadaha doorashooyinkana hortaagana mar horeba ka saaray.

 

Madaxwayen Muuse ayaa la filaaya in uu uu isticmaalo qaacidada “Lafo geel iyagaa la isku jabiyaa” iyadda oo haddaba la war galiyey hogaanka dhaqanka, iyaga oo loo sheegay in Muuse Biixi aanuu u la kulmayn gobol ahaan, balse uu u la kulmyo qabaa’iilo ahaan.

 

 

Siyaasiyiinta gobolka Awdal ee Hargaysan ku sugan ayaa iyagana dhamaantood la wargaliyey iyaga oo maalinta jimcaha ah ee soo socota u anbabixi doona magalaada iyaga oo kulmo hor dhac ahna la sii qaadanaya beelaha ay ka soo jeedaan.

 

 

Muuse Biixi ayaa dhanka kale xadhiga ka jari doona buundada isku xidha maagalada iyo jaamacada Camuud, isaga kuna deeqi doona labbo gaadhi oo kuwa gurmadka degdega ah.

Wararka ka soo kordha socdaalka waxaan u soo gubin doonaa si joogta ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker