Dawlada Ethiopia oo Xaqiijisay inay Xabsiga u Taabtay Siyaasi Maxamed Jawar

Ethiopia ayaa xaqiijisay inay Xidhay Siyaasiga Hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, tallaabadaas oo sii holcin karta xiisadda Qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan gobolka Oromia.

 

 

Jawar, oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale lagu Xidhay magaalada Addis Ababa, sida uu sheegay madax booliska federaalka Endeshaw Tassew.

 

 

Xadhiga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xidhiidhay meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenkii Isniinta la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo xooggan.

 

 

Endeshaw ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca.

 

 

 

“Waxaa isku dhac uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo dad kale, waxaana halkaas ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka Oromia,” ayuu Endeshaw ku yiri bayaan uu soo saaray.

 

 

“35 qof oo uu ku jiro Jawar Mohammed ayaa la xiray. Ciidamada ammaanka waxay qabteen 8 qori oo Kalashnikov ah, shan bastoolad iyo sagaal raadiyaha codka gudbiya ah, kuwaas oo ku jiray baabuurka Jawar Mohammed,” ayuu yidhi.

 

 

Xadhiga Jawar ayaa sii xumeyn kara rabshadaha gobolka Oromia, oo ku hareereysan magaalada Addis-Ababa, islamarkaana ah xudunta qowmiyadda Oromada.

Talaadadii, saraakiisha iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof lagu dilay Oromia.

 

 

Bishii October, warbixino sheegayey in dowladda ay isku dayeyso inay ciidamada ilaalada ah ka qaaddoo Jawar ayaa hoggaamiyey rabshado socday maalmo oo ay ku dhinteen 80 qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker