Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Guulaystay Inay Xidho Kastamka Balli-Gubadle Ee Gobolka Hawd.

Hargaysa-(OWN)- Xukumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ku guulaystay qorshe ay ugu tala galeen inay ku xidhaan kastamka magaalada  Balli-gubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Kastamka magaalada Balli-gubadle ayaa mudadii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Muuse Biixi waxa uu la kulmay hagardaamo badan oo kaga imanaysay wasiiradii iskaga dambeeyey wasaarada maaliyada ee Yuusuf Maxamed Iyo Wasiirka hada jooga ee Sacad Cali Shire kuwaas oo labaduba kordhiyey cashuurta laga qaado ganacsatada isticmaasha kastamkaasi.

Wasiirka maaliyada Sacad Cali shire ayaa qaaday talaabadii ugu dambaysay ee uu kastamkaasi ku xidhmay isaga oo ganacsatadii isticmaalaysay ku kordhiyey cashuur gaadhaysa 45%, taas oo saamayn taban ku yeelatay shaqadii kastamkaasi.

Halkan Ka Akhriso Cashuur Kordhintii Ugu Dambaysay Ee Wasiir Sacad.

Wasiirka horu marinta maaliyada ayaa sidoo kale dhawaan waxa uu badalaad ku sameeyey maamulihii kastamkaasi isaga oo u magacaabay maamule cusub, taas oo qayb ka ah caqabadaha sii xidhay kastamka Balli-gubadle.

Qodobka ugu weyn ee la dareensan yahay inuu keenay xidhitaanka kastamka magaalada Balli-gubadle ayaa ah mid ku jiray wareegtadii uu cashuur kordhinta ku sameeyey wasiirka maaliyadu, kaas oo sheegayey in shiidaalka soo maraya kastamka Balli-gubadle tayadiisa lagu soo eego shaybaadhka magaalada Berbera, iyada oo aanay jirin wax cilad ah oo lagu arkay taas oo sababi karta hirgelinta qodobkaasi.

Madaxweynaha somaliland  Muuse Biixi Cabdi oo xogogaal u ahaa talaabooyinka ay qaadayeen wasiiradiisii u  kala dambeeyey wasaarada maaliyada ayaan waxba ka odhan hagardaamooyinka ay la daba taagnaayeen kastamka Balli-gubadle, taas oo loo macnaysan karo inuu kula socday qorshayaasha ay wasiiradaasi fulinayeen ee keenay inuu xidhmo kastamka Balli-gubadle.

Ugu dambayn dadweynaha magaalada Balli-gubadle iyo guud ahaan gobolka Hawd ayaa laga dhawrayaa jawaabta ay ka bixin doonaan xidhitaanka kastamka magaalada Balli-gubadle ee ay xukuumadu sababta u noqotay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker