Dawladaha Ethiopia iyo Masar oo Is afgarad hor dhaca ka Gaadhay Muranka Biyo Xidheenka

Waxaa Dalka Ruushka kulan gaar ahi ku dhexmaray Raiisul wasaaraha Ethiopia iyo Madaxwaynaha Dalka Masar Abdulfataax alsiisi kasoo ay kaga arinsanayaa Xiisadda isfahmiwaaga ah ee ku Saabsan Biyo xidheenka Abay ee ay Ethiopian ka dhisayso meel aan ka Fogay jahada dhanka Masaarida ee uu sii maro Wabiga Niil ,

Tani waxay dhacday markii labada Masuulba oo ku sugnaa Gudaha dalka ruushka oo ka mid ahaa Ergada ka qaybgashy shirkii loogu magac daray iskaashiga Ruushka iyo Africa .

Sida uu Xaqwiijiyay Madaxwayne Siisiga dalka Masar , Waxaa uu yidhi waxaanu isla Gaadhnay RW Abbiy in la Sameeyo Gudi Farsamo oo labada wadan ka Tirsan isla markaana Si toos ah u bilaa wada xaajood ku saabsan biyo xidheenka Abaay.

Rasiiul wasaare Abbiy ayaa isagu marwalba ku Celceliya in Biyo xidheenka ay Ethiopia dhisanaysaa aanu Wax dhibaato ah u lahayn Shacbiga Masaarida ,balse Mr Abiy ayaa maalmihii ina dhaafay warbaahinta u mariyay dawladda masar Hadal u ekaa jawaab celin Taasoo uu sheegay hadii ay masar wax weerara ku soo qaado biyo xidheenkooda ay Ethiopiyana jawaab deg deg ah bixin doonto.

Warkan oo ku Qornaa Luuqadda Englishka waxaa Wakaalada wararka ethiopia ee ENA Kasoo Turjumay Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker