” Arab Waa Mataankii Garxajis Waana Aanu Ka Soo Qeyb Galnay Xidhtaanka Shirkooda Kii Ka Naxaya Iyo Kii Ku Farxaayoow ..” Ugaaska Guud Ee Arab

Wafti Uu Hogaaminayo Ugaaska Guud ee Beelaha Dega Goboladda Hawd, Maroodi Jeex, Saaxil, Toghdeer iyo Daad Madheedh Axmed Maxamed Siciid (Cali Mahdi) ayaa xalay guure gal ugu anba baxay shirka Buurtaga Gacan Libaax.

Related image

Shirkan oo maalintii sagaalaad galay ayaa lagu wadaa in la soo gabogabeeyo, waxaana shalay duhurkii hargeysa ka anbabaxay madax dhaqameedka Beelaha Shirkaasi lagu soo marti qaaday.

 

Sidoo kale waftigan waxaa ka mid ah siyaasiyiinta beesha Arab oo u hogaaminaayo Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde , Xusen Axmed Ceydiid iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deeganka Hargeysa beesha ugu jira

Ugaas Axmed Maxamed Siciid iyo waftigiisa ayaa ka anbabaxay Magaaladda Hargeysa saaka aroortii, waxaana lagu wadaa in uu saacadaha soo socda halkaasi gaadho iyada oo uu ka mid yahay madax dhaqameedka khudbadaha kala duwan halkaasi ka soo jeedin doonta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker