Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay diyaar u tahay qabashada doorasho baaqna u dirtay Puntland iyo Jubland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u xaqiijinayso inay dowladda federaalku ay mar walba diyaar u tahay in xal laga gaaro arrimaha cakiran ee doorashooyinka iyo in ay diyaar u tahay in ay kala hadasho cid kasta oo qayb ka ah arrimaha doorashada.

Raysal wasaare Maxamamed Xuseen Rooble oo maanta kulan la yeeshay xubno ka socda beesha caalamka ayaa hadalkaan sheegay isagoo intaa ku daray in gogasha wadahadalku ay mar walba furantahay.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in Dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan,si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xiriiray ee horay loo gaaray, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” ayuu yidhi Raysal wasaare Rooble.

Dolwadda Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqaday madaxda Maamul Goballeedyada ee ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee arrimamaha doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daahfuran.

Hadalkaan ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa imaanaya xili ay jirto kala aragti duwanaan ba’an oo la xiriirta arrimaha doorashooyinka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker