Wiil ka mida Dhallinyaradii ka soo baxsatey Dalka Eritrea oo la dilay.

Cabdimaalik Cabdullahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay ogaatay warbaahintu.

 

Wiilkan oo ahaa 20-sano jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay.

 

Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaaleen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa noo sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin.

 

10-kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo laga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah.

 

Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen qabuuraha Calamada ee duleedka degmada Afgooye.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker