Meydka Wariyihii Sucuudiga Udhashay Jamal Khashuqji Oo La Ogaaday Waxa Ay Sacuudigu Ku Sameeyeen.

Istanbul-(OWN)-Masuuliyiinta dowladda Turkey ayaa baadhaya suurta galnimada in meydka Wariye Jamaal Khaashuqji lagu burburiyay aaysiidh ama kimikal, kadib markii lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, sida Wargeyska Washington Post uu daabacay.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Turkiga ayaa wargeyska u sheegay in Cadeymo ay ka heleen beerta ku taala banaanka Qunsuluyadda ay ka taageertay inay ogaadaan in meydka Jamaal la dhigay meel u dhow halka lagu dilay, kadibna aan la aasin oo lagu baabi’iyay aaysiidh ama kimikal.

Markii ugu dambeysay ee la arkay Jamaal waxay aheyd 2 October xiligaasi oo uu galayay qunsuliyadda, balse masuuluyiinta Sacuudiga ayaa qiray in Jamaal uu u dhintay murun dhexmaray isaga iyo shaqaalaha, walow markii dambe Turkiga uu xogo kale banaanka keenay.

Ilaa iyo hadda lama helin meydka wariyaha oo muddo bil ah la la’yahay.

Dacwad oogaha Turkiga Irfan Fidan ayaa Arbacadii shaaciyay sharaxaad ku aadan waxa baadhayasha dambigaasi ka aamisan yihiin waxii ku dhacay Khaashuqji, waxaana la aamisan yahay in wariyaha Cunaha la qabtay markii uu qunsuliyadda galay, iyadoo qorshaha uu ahaa mid horey loosii diyaariyay.

Dilka Wariyaha u dhashay Sacuudiga ayaa dhaliyay walaaca caalami ah, waxaana uu aad u dhaleeceyn jiray wariyaha xukunta boqortooyada Sacuudiga.

Marka hore Sacuudiga ayaa sheegay in Wariyaha uu kabaxay albaabka dambe ee qunsuliyadda, waxaana 19 bishii October ay Sheegeen war kaasi ka duwan oo ahaa inuu ku dhintay gudaha Qunsuliyadda.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee CIA Gina Haspel ayaa u safray Turkey todobaadkii hore si uu dib ugu eego cadeymaha kiiskaasi la xidhiidha, waxaana uu xog ka siiyay madaxweyne Trump, waxaana aqalka cad uu shaaciyay in la sugayo Jawaabta Trump Isniinta uu ka bixiyo Kiiskaasi.

Image result for wariye jamal khashoggi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker