Raysal-wasaaraha Itoobiya Oo Isku Dayaya Inuu Xalliyo Khilaafka Siyaasadeed Ee Ka Taagan Kililka Shanaad

Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa xalinta khilaafka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa bartiisa Twitter–ka soo dhigay qoraal kooban uu kaga hadlayo xallinta khilaafkii waayadii ugu danbeeyayba ka taagnaa dowlad-deegaanka Soomaalida, kaasi oo u dhexeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Shacabka Soomaalida Itoobiya, Mr. Axmed Shide oo sidoo kalena ah Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda federaalka Itoobiya iyo Madaxweynaha Deegaankaasi Mustafe Cagjar.

 

Bogga Twitter–ka Ra’iisal wasaaraha ayaa la soo dhigay Sawirrada Raysal-Wasaare Abiy oo la taagan Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha xisbigga tallaada haya Axmed Shide oo toddobaadyadii ugu danbeeyay uu soo ifbaxay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya kaas oo ragaadiyay howlihii kala duwanaa Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

 

Raysal-Wasaare Abiy Ahmed ayaa isu keenay labada Mas’uul oo maalmihii u dambeeyay uu khilaaf u dhaxeeyay, waxaana uu u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo horumarka gobolka, jihada ay tahayna loo maro “Waa in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo horumarka..” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo la soo raaciyey Sawirrada lagu baahiyey Twitter-ka Raysal-wasaaraha.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar ayaa todobaadyadii u dambeeyay la kulmayey caqabado siyaasadeed oo uga imaanayay hoggaanka xisbiga haya talada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweynaha looga yeedhay xafiiska Raysal-wasaare Abiy ee magaalada Addis Ababa, laakiin Shalay ayaa Twitter-ka Raysal-wasaaraha lagu baahiyey Sawirrada isagoo dhex taagan Madaxweynaha Kililka shanaad ee Itoobiya Mustafe Cagjar iyo Guddoomiyaha Xisbiga haya talada deegaankaasi oo labada Gacmaha haya, iyagoo dhamaantood dhoolla-cadaynaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker