Urur Goboleedka IGAD oo ku baaqay faragelin degdeg ah oo looga gaashaamanayo musiibo dhanka bii’ada ah oo ka dhacda Badda Cas

Urur Goboleedka IGAD oo ku baaqay faragelin degdeg ah oo looga gaashaamanayo musiibo dhanka bii’ada ah oo ka dhacda Badda Cas..

Urur Goboleedka IGAD ayaa walaac mug leh ka muujiyey musiibo weyn oo ka soo foolleh Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ka dib markii uu xeebaha Yeman ku degey markab la yiraa Rubymar oo sidey in ka badan 12,000 oo metric tonnes oo kiimikada beeraha lagu bacrimiyo ee ammonium phosphate ah – taas oo u dhiganta 22 oo tan oo shidaal ah in in badda lagu qubay.

Igad waxay ka digtey in kiimikada biyaha ku milanta waxay halis gelineysaa noolaha badda ku jira, waxayna babi’in kartaa dhirta iyo balbalooyinka badda gunteeda ku waaban ee daaqsinka iyo gabaadka u ah nafleya badda ku nool.

Warkan dhiilada leh ayaa intaas ku daraya in wdamada IGAD iyo guud ahaan dalalka kulaala badda Cas ay muddo dheer ku qaadan doonto inay ka soo kabtaan waxyeelada ka dhalata halista kiimikada badda lagu qubay.

Ugu dambeyntii IGAD waxay ku baaqday in si degdeg ah loo damiyo xiisadda ka oogan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si ayey yiraahdeen loo ixaqiijiyo nabadda iyo bedqabka badda iyo noolaha ku xirin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker