Magaalada Muqdisho Oo Qarax Lagula Beegsaday Kolonyo Ciidamo Talyaani Ah

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho  ayaa ka soo baxeysa qarax Ismiidaamin ahaa oo duhurkaan maanta lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamo Talyaani ah.

Ciidamada Talyaaniga ee qaraxa Ismiidaaminta lala eegtay ayaa maraayay nawaaxiga Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad, waxayna ka soo baxeen Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya.

Gaari yar oo uu kaxeynaayay ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay kolonyada gaadiidka ee ay wateen Ciidamada Talyaaniga.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay inuu arkay hilbo dad oo meesha yaalla, waxaana uu ku sheegay inay tahay ruuxii isqarxiyay.

Lama oga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaray Ciidamada Talyaaniga ee qaraxa Ismiidaaminta ah lala eegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker