Kim Jong-un Oo Fagaare Ka Soo Muuqday Raadin Dheer Kadib

Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horraysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta Qaranka Kuuriyada Waqooyi.

 

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xadhigga ka jaray Warshadda Samayn doonta  qalabka bac-riminta ee beeraha.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hogaamiye Kim Jon Un.

 

Ka soo muuqashadiisan fagaaraha ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo 12-kii April waxayna taasi sababtay in caalamka la isla dhexmaro warar ku saabsanaa in xaaladdiisu caafimaad aysan wanaagsanayn. iyo inuu Geeridooday .

 

Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay.

 

Sidoo kale xilligaas waxaa soo baxay warar kale oo sheegayay in la afgembiyay.

Haseyeeshee, maalmo kaddib waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker