82 Qof Oo Ku Dhintay Dhul-gariir Ka Dhacay Dalka Indonesia

Ugu yaraan 82 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii dhul gariir uu ku dhufatay jasiiradda Lombok axaddii, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka deg-degga ah. Boqolaal qof ayuu dhaawac uu ka soo gaaray dhul gariirka, saraakiisha maareynta musiibooyinka ayaa intaasi ku dartay.

Baaxadda dhul gariirka waxa uu gaaray 7, waxa ayna wax yeello soo gaaraty kumanaan dhismo iyo korontada oo gabi ahaanba go’day. Jasiiradda Bali oo daris la ah Lombok ayaa muuqaal laga duubay waxa uu muujnaya dad col-colaadinaya oo guryahooda ka qaxaya.

Dhul gariirkan ayaa imanaya iyadoo toddobaad ka hor uu dhul gariir ku dhuftay isla jasiiradan, kaas oo ugu yaraan galaaftay nolosha 16 qof.

.

Afhayeenka hay’adda maareeynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhismooyin aad u badan oo ku yaalla caasimadda Mataram ay dhibaatadu saameysay, kuwaasi oo intooda badan laga sameeyay qalab ay tayadoodu wanaagsanayn.

Iman oo ka mid ah dadka deeganka ayaa sheegay in isla markiiba ay dadka guryahooda ka carareen iaygoo aragagaxsan.Bukaanadii ku sugnaa cisbitaalada ayaa laga saaray, waxaana dhaqaatiirta ay ku daweeynayeen wadooyinka.

Markii uu dhacayay dhul gariirka waxaa jasiiradda Lombok ku suganaa wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Singapore, kaas oo ka qeyb galayay shir arrimaha amaanka looga hadlayay, waxa uuna barta Facebook qoraal uu ku qoray ku qeexay sida hoteelkii uu daganaa uu u ruxmay. Waxa uu yiri aad bay u adakayd in la sii taagnaado.

Garoomada diyaaradaha ee labada jasiiradood ayaa haatan si caadi ah u shaqeeynaya inkastoo ay waxyeello soo gaartay eelaboorka Denpasar ee jasiiradda Bali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker