MIdowga Yurub oo eedeyn dhinaca xuquuqda Aadanaha ah u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay  ku xadgudubtay Xuquuqda Aadanaha, islamarkaana mudaddii ay jirtay  geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.

Kulan ay yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah.

Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka gaadhay heerkii ugu hooseeyay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku sheegay in ay jirto Cabudhin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliso Xuquuqda Aadanaha,islamarkaana hadii ay dhici weydo ay ka fiirsan doonaan taageeradda la siiyo Soomaaliya,iyagoo si deg deg ah ugu baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Sidoo kale Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamul goboleedyadda in ay geysteen Bilihii lasoo dhaafay Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ugu horreyso cabudhinta Wariyaasha.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker