Madaxa xisbiga Ucid Faisal Cali Waraabe oo kafal celiyay war saxafadeed ka soo baxay Gollaha amaanka ee qaramada midoobay oo ay kusoo dhaweeyeen dadaalada lagu soo afjarayo dhibaatada ka ataagan Laascanood ayaa sida tan Bartiisa Twitterr-ka ku soo qoray, ”UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya.” War saxafaadeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo saaray madaxweynaha golahaas, Lana Zaki Nusseibeh oo ah danjiraha halkaa u fadhida Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa qoraalka lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dedaallada ay wadaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee lagu raadinayo xabbad joojin laga gaaro colaadda Laasacaanood. Golaha Ammaanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay dagaalka oo tiradoodu uu ku sheegay in ay ka badan tahay 150 kun oo qof.

Madaxa xisbiga Ucid Faisal Cali Waraabe oo kafal celiyay war saxafadeed ka soo baxay Gollaha amaanka ee qaramada midoobay oo ay kusoo dhaweeyeen dadaalada lagu soo afjarayo dhibaatada ka ataagan Laascanood ayaa sida tan Bartiisa Twitterr-ka ku soo qoray, ”UNSC ma laha awood sharci iyo mid damiir ah oo ay kaga hadasho arrimaha Somaliland mar haddii aynaan xubin ka ahayn UN-ta, yaynan isku dayin in ay kahadlaan meeqaamka Somaliland marka ay wada hadlayaan. Ama qira jiritaankeena ama wacyigiina naga daaya.”

War saxafaadeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa soo saaray madaxweynaha golahaas, Lana Zaki Nusseibeh oo ah danjiraha halkaa u fadhida Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa qoraalka lagu sheegay in goluhu uu soo dhaweynayo dedaallada ay wadaan dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka ee lagu raadinayo xabbad joojin laga gaaro colaadda Laasacaanood. Golaha Ammaanka ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay dagaalka oo tiradoodu uu ku sheegay in ay ka badan tahay 150 kun oo qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker