Hiiraan: Faahfaahinta Dagaal Dhexmaray Ciidamada Nabad-ilaalinta ee Jabuuti iyo Milatariga Soomaaliya

Beledweyne (OWN)- Ciidammada Jabuuti ee ka midka ah Ciidammada Nabad-ilaalinta Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa Maanta gelinkii hore ku dagaalamay Degmada Jalalaqsi.

 

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay  diideen in hawada laga saaro lana demiyo xarunta shirkadda Hormuud  ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, ka dibna ay howlo miina  baadhis ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen.

 

Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay ci ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi, isla-markaana  ciidamadii  maamulkaas dagaal lagaga saaray Magaalada.

Dagaalkan oo noqonaya markii u horeysay ee ay isku dhacaan  Ciidammada Dawladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan iyo Ciidammada Jabuuti ee ku sugan halkaasi, ayaanay weli cidna ka hadal.

 

Oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker