Raysal Wasaaraha Itoobiya oo maalinkii labaad ku sugan Jigjiga

Raysal wasaaraha dowladda Itoobiya Abiy Axmed ayaa maalinkii labaad ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida.

Magaaladaas ayuu yimid shalay kadib markii uu soo furay madaarka Goday oo dib-u-dhis iyo balaarin lagu sameeyay.

Waxa safarka uu uga yimid Godey ku wehliyay madaxweynaha dowlad deegaanka iyo saaraakiil kale oo sare.

Raysal wasaaraha ayaa maanta ka qeybgalay xarig jarka Warshada Furunka iyo Daqiiqda ee laga hirgeliyay dowlad deegaanka iyo mashruucyo kale.

Faahfaahin dheeraad ah weli kama soo bixin qorshaha shaqo ee laga yaabo in uu u tagay Jigjiga, iyo xitaa inay marin nasiino u tahay magaalada, oo uu uga sii gudbi doono meel kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay hawada ka celisay diyaarad siday wafdi la sheegay in uu ka socday Itoobiya oo kusii jeeday Hargeysa.

Itoobiya iyo Somaliland midna kam aysan hadlin wafdiga saarnaa diyaarada la celiyay. Waxaa taa wehliya warar sheegaya in raysal wasaaraha Itoobiya uu tegi doono Hargeysa si loo dhammaystiro heshiiskii Addis iyo Hargeysa ee la saxiixay maalinkii koowaad ee bishan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker