Ilhaan Cumar oo loo dhaariyay xubin-nimada Kongareeska Maraykanka

Ilhaan Cumar ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay, in ay kamid noqoto xildhibaannada Xisbiga Dimoquraaddiga ee Golaha wakiilada Maraykanka labada sano ee soo socota.

Ilhaan ayaa lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah,iyadoo madax daboolan,islamarkaana ay ka muqato dhaqanka asturnaanta ee lagu yaqaanno haweenka Soomaaliyeed.

Gabadhan ayaa ah Haweeneydii ugu horreysay ee Xijaaban oo ka mid noqota Aqalka Koongareyska dalka Maraykanka,karib markii ay taageeya badan ka heshay dadka muslimka ah oo ay u horreeyaan Soomaalida ku nool waddankaasi.

Aqalka Koongareyska Maraykanka ayaa waxaa markii u horraysay xubno ka noqday laba gabdhood oo muslim ah,kuwaaso kala ah;Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya iyo Falastiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker