Xukuumaddu Ma Ku Dhiirran Doontaa Inay Dil Qisaasa Ku Fuliso Cidda Ku Eedaysan Kufsiga Iyo Dilka Loo Gaystay Marxuumad Ugbaad Cali?

Toddobaadkan ayey ahayd markii uu Magaalada Burco ka dhacay falkii ugubka  ku ahaa geyiga Somaliland, kaas oo mid kufsi iyo dil ah oo loogu geystay Hooyo saddex caruur ah ka tagtay oo lagu magacaabi jiray Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi, iyadoo nin falkaasi ku eedaysani uu ku jiro gacanta ciidamada amaanka.

Dhacdadan ayey shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Somaaliyeed si weyn uga xumadeen,iyadoo ku abuurtay fajac iyo amankaag, waxaanay si weyn uga xumadeen falkaas foosha xun ee loo geystay Marxuumaddaas, iyagoo ugu baaqay Xukuumadda inay sharciga mariso ninkii falkaas geystay.

Dhanka kalene shacabka Gobolada Sool, Sanaag, Awdal Togdheer, Maroodijeex  iyo degaanada kale ee dalka, ayaa sameeyey Mudaharaadyo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin falkaas wax-shinimada ah ee loo geystay Marxuumad Ugbaad Cali, waxaanay Xukuumadda iyo Hay’adda sharciga ugu baqeen in si deg deg ah loogu qisaasu ninkii falkaas kufsiga iyo dilka u geystay marxuumaddaas, iyagoo Madaxweynaha si gaar ah fariimo ugu diray ay kaga dalbanayaan inuu amro in la dilo ninkii falkaas ku kacay.

Geesta kalene Xildhibaan Nac-nac oo war-baahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isna ugu baaqay Xukuumadda in la dilo ninka ku eedaysan falkaasi kufsiga iyo dilka ah ee u geystay Marxuumaddaas lagu Magacaabi jiray Ugbaad Cali Cabdilaahi

Xildhibaanka ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan :-“Inantii lagu kufsaday Burco ee dhimatay alle samir iyo iimaan ha inaga siiyo ,waxaanu taageersanay sida wasiirka daakhiligu sheegay oo xeerka barlamaanka aanu ku soo saarnay,markii ay kufsi tahay waa in aanu wiigba ka dambeyn waa in loo toogtaa,waa in aanu ka dambeyn inta ay dhoobadeedu sii qoyan tahay, kaas oo miidhan oo kufsigaa geystay waxaanu doonaynaa in sharciga la mariyo oo la dilo ,Wax alaale wixii kufsi sameeya waa dil diinteenu taas ayey ina faraysaa”Ayuu yidhi Nac-nac

Gunaanadkii shacabka reer Somaliland iyo Xildhibaanada Golayaasha Qaranka, Culimada iyo ehelada Marxuumadda ayaa dalbanaya in la qisaaso ninkii falkaas kufsiga iyo dilka u geystay Marxuumaddaas,balse waxa la is weydiinayaa inay Xukuumaddu ku dhiiran doonto in la qisaaso iyo inay Xabsiga ku sii hayn doono shaqsigii falkaas wax-shinimada ah ku kacay, haseyeeshee waxaynu dhawri doonnaa talaabada ay Xukuumaddu kaga falceliso arrintaas.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker