Golaha Wakiilada oo Cod Aqlabiyada Ku ansixiyaay Xubinhii Komishanka Doorashooyinka ee ay Hore u Diideen
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansaxiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddida Doorashooyinka Somaliland kuwaas oo ay hore u diideen balse madaxweyne Biixi, dib ugu soo celiyay.
70 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay dhammaan xubnaha maanta la ansixiyay.
kuwaasoo magacyadoodu kala yihiin.
1. Muuse Xasan Yuusuf
2. Axmed Cismaan Xasan
3. Axmed Yuusuf Maxamed.