Borussia Dortmud Oo Cashar Lama Ilaawaan ah u dhigtay Kooxda Liverpool

Liverpool ayaa dhadhamisay guuldaradeedii ugu horeysay ee xagaagan iyadoo kooxdii hore ee Jurgen Klopp ee Borussia Dortmud ay 3-2 ku badisay kulankii saaxiibtinimo ee ka dhacay gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

 

Difaacasho xumo uu sameeyay Nathaniel Clyne ayaa ka caawiye kooxda Dortmund inay hogaanka ciyaarta la wareegto markii uu shabaqa u soo taabtay Paco Alcacer.

Reds ayaa barbareysay ka hor waqtigii nasashada markii uu Harry Wilson shabaqa luxay isagoo kubad dhex bixis ah ka helay Fabinho.

Laakiin goolal ay qeybtii labaad kala dhaliyeen Thomas Delaney iyo Jacob Bruun Larsen ayaa U sahlay inay  kooxda Bundesliga inay guusha ku xaqiijisato.

 

Rhian Brewster ayaa gool Rigoodhe ahaa u soo celiyay Liverpool ka dib markii Ben Woodburn qalad lagula galay xerada ganaaxa.

Tababare Klopp ayaa 10 bedel sameeyay saacad  Gudeheed ka dib markii ay socotay kulankii Notre Dame Stadium taasoo siiyay xiddigaha sida Virgil van Dijk iyo Jordan Henderson fursad ay ku ciyaaraan kulankoodii ugu horeysay ee Xagaaga

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker