Dawlada India ee ay Hogaamiyaan Hinduuga Islaam Nacaybku Madaxmaray Oo Dhalashadii Dalkeeda kala Noqotay 2 Milyan Oo Muslimiin ah

Diiwaan galin ka qabsoomaysa Gobolka Asam ee dalka Hindiya ayaa caqabad ku noqotay muwaadiniin u badan Muslimiin oo ku dhaqnaa gobolkaas mudo dhawr iyo afartan sano ah.

Liisaskii is diiwaangalinta ee ay maanta dawladu soo gudbisay ayaa waxa diwaangalintaasi is-ka waayay 2 milyan oo qof, taasi oo micnaheedu yahay in aanay xaq u lahayn inay is diiwaan galiyaan,islamarkaana ay meesha ka baxday dhalashadii hindiga ahayd ee ay haysteen.

Dadka aan la diiwaangalin ayaa waxa ay wajihi doonaan in la mastaafuriyo, waxana ay xukuumadu aaminsan tahay in goboka Assam uu xudun u noqday dadka sharci darada dalkeeda ku jooga.

Gobolka Waqooyibari ee Assam ayay dadwadu rumaysan tahay in dadka ugu badan ee ku dhaqan ay ka soo talaabeen xadka uu la leeyahay dalka Bangaladheesh, kuwaas oo gobolkaas qoxooti ku noqday intii uu socday dagaalkii xoriyada Bangaladhesh dhalyay sanadii 1971, iyagoo aan dib u laaban

Dawlada Hindiya ayaa bixinta dhalashooyinka In kabadan 31 Milyan oo qof oo muslimiinta gobolka Assam ku salaysay wixii ka horeeyay 1971-kii siisay, kuwaas oo ay ka diiwaan galisay Gobolkaasi.

Hay’adaha xuquuqul insaanka u dooda ayaa rajo xumo ka muujinaya talaabadan ay qaaday dawlada Hindiya, iyada oo hoosta ka xariiqday in dadka ku guul-darayta diwaan-galinta India ay wajahaan xabsi ama musaafuris iyo sidoo kale in ay waayaan xuquuqda ka qeybgalka doorashooyinka iyo in ay codkooda dhiibtaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker