Ashkateynta mudane Xirsi iyo buuggiisuba waa waras

Qarnigan miilaadiga, Sanadkiisii 7aad waxaan aniga oo aad ugu hanweyn akhriyey buug uu qoray Madaxweynihii hore ee maraykanka Bill Clinton, waxaa buugiisa la yidhaahdaa ‘ My Life ‘ buuggu wuxuu ahaa mid aad u weyn oo igu qaatay inaan dhameeyo laba Todobaad, haddaad Clinton ku ogeydeen Jilaa siyaasadda huud ku qaba, Nabad doonkii ka dambeeyey heshiiskii IRA iyo Ingiriiska ( good Friday agreement ), Siyaasigii sigay inuu nabad ka sameeyo Bariga Dhexe, qurxaan gole joog wanaagsan muusigana yaqaanna, haddana wixii uu qoray wax badan kama xusuusto marka laga reebo ‘ I know like the back of my hand ‘ oo uu aad u istimaalay, waxaan odhan karaa wuxuu buugiisu ahaa Ceel hoomey iyo mid lagu hungoobey, weliba isagu meelaha qaar wuu isku dacaayadeeyey, sida mar uu yidhi ‘ Hillary maadaama ay reer ahaan iga heer saraysey dhowr jeer bay i diidey inaan guursado oo cirkaasay isla maraysey ‘.

Buuggaagta dhaqankeena u dhow ayaan jeclahay, waxaana u sabab ahaa, bilowgii Sagaashameeyadii ayaan qaraabo salaan ugu tegey guriga Taliyihii Bilayska Soomaaliyeed Janaraal Axmed Jaamac Muuse ( A Nuur ) oo aanu deris ahayn, wuxuu degganaa Villa Baydhaba intaanu ku wareejin Raysalwasaare Cumar Carte Qaalib, markaan aqalka galay markiiba waxay indhahaygu qabteen Maktabad xaga hoose ku taaley, hadaan isha mariyey waxaan kala soo baxay ‘ Crooked rib ‘  oo uu qoray Qoraaga weyn ee Nuuradiin Faarax, waxaa isaguna dhaqankeena u dhowaa kii uu qoray Nelson Mandela ee ‘ Long walk to freedom ‘ gaar ahaan Cutubyada hore markuu ka hadlayo xidhiidhka isaga, qaraabadiisa iyo hooyadii ka dhexeeyey, waxaadna ka dhex helaysaa sida Qoraayadda kale kuu ahaa iyo wuxuu aaminsanaa. Waxaan iyadana xusayaa buugga Inanta Soomaaliyeed ee Ayaan Xirsi oo la yidhaahdo ‘ Infidel ‘ qofka Muslimka ah wuu dhibayaa, waxaadse ka ogaanaysaa sida ay dhaqanka iyo diinta Islaamka u taqaano, siday colaadda Eebe ugu badheedhay iyo siday u tahay Jin caqligii Illaah ku galaday ku kufriday.

Waxaan fasax la’aan akhriyey Cutubyo ka mid ah Buugga uu qoray Hogaamiyaha Xisbiga Waddani, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaa si wanaagsan oo kooban uga hadlay Masuulkii inaga goostay ee Xildhibaan Mustafe Qodax ( Run iyo Faan badan buu ku sheegay ), waxaan la qabaa in uu Xirsi wax inooga jac iyo muc siiyey, Dhalinyaradu haday Cajebi ka bartaan Eedaanka, inay ku celiso ma aha Haya ala Salaat, ileen iyagu X-da iyo C-da way karaane, Buuggu sawir sax ah ma siiyey da’ yarta intay Madaxtooyada galeen siyaadadda Somaliland dhex mushaaxey?.

Waxaan qabaa in – waxyaabo Sir qaran u eg uu qoray- in Buuggu Dhicis yahay oo uu soo saaray xili ka horeeya 10 Sanadood xiligii uu ku habboonaa – in Cinwaanka buugu ku hagaagsanaa ” Socdaalkaygii Guusha, Miyiga illaa Wasiirka Madaxtooyadda ” – in Saraakiil ciidan iyo Saraakiil Wasaarado weli shaqaynaya qaarna xil sugayaal yihiin lagu carrab dhabey – in daabacaada dambe lala sugo wakhti ku habboon – in aanu buuggani ahayn kii Clinton oo kale, jiilka soo socda iyo 20 jiraduba ay ka helayaan Taariikh – in waxa buugga Ku qoran ay Dhoobadoodii qoyan tahay lagana helayo Nin sheegay ma dhaafto.

Waxay ila tahay in Dhalashada iyo Dhaxdinta marwo Aamina Weris loo heeso.

Maggeyno haday jirtoo, marlayda haween dhamaan,
la muuneeyo ruux la mida, marwadii qarankaad ahayd,
mudnaantiyo Aaminaay, maamuusba adaa is ka leh,
Aduun waa maalmo oo, ma waarayo nooluhuye,
Mafaatiixdii janada, Allow midigtaada geli,
Mowluhu tuu saamaxee, Malaa’iktu booqatiyo,
Aakhiro magan Eebe noqo. ‘Abwaan Tuke ‘

Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker