Ururka ONLF Oo Qalinka ku Duugay inay Ka mid Noqodaan Isbahaysi Cusub Oo Lagaga Dhawaaqay Itoobiya.

Kadib kulan ka dhacay magaalada Adis-ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Ururka ONLF waxa ay Sheegeen in ay si rasmi ah ugu Biireen Isbaheysi Siyaasadeed ee lagaga dhawaaqay Itoobiya iyaga o ku biiraya Xisbiyada Siyaasadeed ee  ka jira dalkaas.

 

 

Isbahaysigan Cusub ee uu ku Biiray Ururuka ONLF ayaa lagu magacaabaa Alliance Multination Democractic Federalism (AMDF), waana mid ka mid ah Ururada Taageera Nidaamka Qowmiyadaha badan ee Federaalka Dimuqraadiga ah ee dalka Itoobiya.

 

Dhinaca kalana Guddoomiyaha guud ee Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi Maadeey, ayaa Ururka ONLF u Saxiixay ku biirista Isbahaysigaan Siyaasadeed.

 

Guddiga Doorashada Dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in 1-da   bisha August ee Sanadkan 2020ka ay dalkaas ka dhacayso Doorashada guud,

 

Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed uu wajahayo tartan culus oo ah kala aragti duwanaanta qowmiyadaha oo kusii fiayo Itoobiya.

 

ONLF oo ku biirtay Isbahaysi cusub ee looga dhawaaqay Caasimada Itoobiya, kaasoo ay la galeen Uruuro kale oo kala ah Agow oo ah qowmiyad kasoo jeeda deeganaka Amxaarada, Canfarta iyo Ururka OLF ee deegaanka Oromada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker