Maalintii Muuse Biixi Looga Yeedhay CID-da Waatii La Ogaa Waxa Ka Dhacay, Muxuu Maanta Kula Yaabay Haddii ..”Siyaasi Cali Gurey

“Maalintii Muuse Biixi Looga Yeedhay CID-da Waatii
La Ogaa Waxa Ka Dhacay, Muxuu Maanta Kula Yaabay Haddii Cirro Ilaalo Gaara Samaystay”Siyaasi Cali Gurey 

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo inta badan dhaliilo u soo jeediya nidaamka hogaamineed ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanu la yaabanayay haddii ciidamo gaar ah oo ilaalo ah uu samaysto Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo Cali Guray arrintaasi ku sababeeyey in lagu khasbay sida uu hadalka u dhigay sheegayna in ay taasi ka dambaysay weerarkii ciidamada ammaanku ku soo qaadeen bannaan baxayaashii maalintii Khamiistii.
Siyaasi Cali Gurey ayaa maqaal dheer uu daba socda taxanahiisa ‘Waxa soo socdaa yaab leh’ ahna qaybta 7aad waxa uu si adag ugu dhaliilay Madaxweynaha Somaliland waxaanu yidhi: “Ma ogi run iyo been mid ay tahay balse hadii ay jirto in askar aan ka tirsanayn Xoogaga Amniga Qaranka lagu arkay guriga Musharaxa madaxwaynaha ee WADDANI, laba sababoodba anigu kula yaabi maayo.
Waa ta hore eh madaxda xisbiyada waxa nabadgelyadooda ilaaliya Askar Ciidanka Qaranka ama Bilayska ka tirsan oo loogu talogalay in ay ka hortagaan cid kasta oo nabadgelyadooda halis gelin karta. Mudaaharaadkii salmiga ahaa ee xisbiyada mucaaridka WADDANI waxa horsocday oo safka ugu horeeya ku jiray madaxda xisbiga oo ay ku jireen musharixiinta iyo Guddoomiyaha Xisbiga iyo madax kale. Sida la og yahay iyadoo mudaaharaadku si salmi ah u socday ayaa mar keliya waxa weerar ku soo qaaday laba baabuur oo RRU ah kuna socday xawli dheeraynaya. Waxay si toos ah u abaareen bartii ay ku sugnaayeen madaxda xisbigu. Markiiba la kala carar waxanu ku sigtay Musharaxa xisbigu in dhulka uu ku dhaco wax baaba gaadhayna waa la lahaa. Xaaladda argagixinta ahayd markay ilaaladu arkeen in madaxdii ay iyagu amaankooda ka masuulka ahaayeen halis la geliyay nabadgelyadooda maxaa la gudboonaa in ay sameeyaan markaa? Keliya waxa u furnayd in ay isku dayaan in ay ka badbaadiyaan khatarta lama filaanka ku noqotay ee la soo deristay. Keliya waxay sameeyeen baabuurtii weerarka tooska ah ku qaaday madaxdii iyagu ay nabadgelyadooda gaarka uga masuulka ahaayeen in ay taayirada ka toogtaan. Baabuurtii weerarka ahayd iyo saraakiishii iyo ciidankii saarnaa wixii ay geysteen madaxwaynuhu wuxu u arkay talaabo fiican oo sax ay ku ahaayeen. Nasiibdarro labadii askari ee isku deyay badbaadinta madaxdii ay ilaalinayeen ayaa laga dhigay dembiilayaal. Taasi maaha cadaalad ee way ka fog tahay.
Hadii xukuumaddu ay doonayso wixii dhacay iyo ciddii dembi gashay baadhitaan run ah ayaa la samayn lahaa. Maxaa loo diiday in baadhis run ah la sameeyo? Wax kale maaha ee kuwii dembiyada galay ayaa la garanayaa oo aan la doonayn in wax dembiyo ah loo raaco, kuwii dembiyada laga galayna iyagii baa dembiilayaal laga dhigay. Inta xidhan waynu og nahay labadii askari ayaa laftooda lagu moosay idembi aanay lahayn oo lagu amray in ay ka tegaan madaxdii ay ilaalinayeen, si malaha loogu bedelo kuwii weeraray ama kuwo la mid ah oo kale.
Marka ay sidaa noqotay taladii madaxda dawladdu dabcan Cabdiraxmaan ma aamini karaa kuwo loo soo soocay oo aan nabadgelyadiisa ilaalinayn ee iyagu halis ku noqon kara. Taas ayaa markaa hadii ay jirto ku kelifi karta in ilaalo gaar ah (private security) uu samaysto, xaqna wuu u leeyahay mana aha markii ugu horaysay oo Muuse Biixi oo aanay jirin cid nabadgelyadii haddiday ayaa uga horeeyay.
Arinka labaadna Muuse oo Gudoomiye xigeenka Kulmiye ah xiligii Rayaale ayaa maalin maalmaha ka mid ahayd waxa telfoon ama fariin u soo diray Taliyihii CIDda oo ahaa inadeerkii Axmed Aw Cali Shabeel. Fariintuna wax kale may ahayn ee waxay ahayd “fadlan igu soo mar xafiiska”. Wixii ka dhacay waaba la ogaa iyo tollaayeey ina Aw Cali Shabeel baa i xidhaya. Laba boqol oo wiil oo hubaysan ayuu gurigiisa ku xeeraye ma ciidan dawladeed bay ahaayeen? Muxuu ula yaabayaa Cabdiraxmaan Cirro oo RRU lagu weeray hadii ilaalo gaar ah gurigiisa lagu arkay” ayuu qoraallkiisa ku soo xidhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker