Qasaaraha Weerarkii Alshabaab ee Gobolka Lamu ee Dalka Kenya oo Isa soo Taraya

Weeraryahanno la rumeysan yahay inay yihiin Al-Shabaab ayaa gubay laba baabuur oo ay la hayd shirkad ka shaqaysa dhismaha oo marayay meel ku dhow xerada H Young & Co ee ku taal Gobolka Lamu ee dalkaasi Kenya

Gudoomiyaha Gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in kooxdii weerartay ay ku tuureen waxyaabaha qarxa mid kamid ah gawaarida, taasoo sababay in gawaaridu gubato.

Shaqaalihii la socday gaariga ayaa ka baxsaday falkaan kadib markii ay ka boodeen gaadhiga ka hor intaanu dhibaatada soo gaadhin.

Mr Macharia wuxuu sheegay in ilaa afar nin oo aad u hubeysnaa oo looga shakisan yahay Al-Shabaab ay fuliyeen weerarkaan gaadmada ka dibna ay u carareen keynta u dhaw goobta.

Dhacdadan ayaa hakisay gaadiid wadada marayay muddo ku dhow hal saac iyadoo askar ka tirsan ciidamada Difaaca Kenya (KDF) iyo booliis ay goobta gaadheen.

Taliska Booliska Lamu oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay in u jeedadu aheyd in la beegsado saldhig ciidan oo ka agdhawaa halka uu iska hor imaadka ka dhacay.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in marka laga tago baabuurta la gubay aanay jirin khasaare kale oo ka dhashay dhacdadaasi.

Mr Emmanuel Wanyoike wuxuu sheegay weerarkaan in uu ahaa mid lagu cabsi gelinayo shaqaalaha dhismaha si ay uga tanaasulaan mashruuca.

Weeraradan ayaa yimid sadex todobaad kadib markii laamaha amaanka ay iska caabiyeen ku dhawaad 50 nin oo hubeysan oo si weyn looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulada Pandanguo oo ku taal, Lamu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker