Liverpool Oo Ka Badbaadday Jid-gooyo Halis Ku Ahayd Hoggaamintooda Horyaalka Ingiriiska

OWN Sports – Kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa dhibacaha ku kala qeybsaday garoonka Old Trafford, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah kulankoodii 9-aad horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala nasteen 1-0 oo ay ku hogaaminaysay kooxda Manchester United oo ku sugnayd garoonkeeda Old Trafford.

Daqiiqadii 36-aad kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaanna 1-0 ka dhigay Marcus Rashford, waxaanna goolkan ka caawiyay saaxiibkii Daniel James.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood,  waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxaynna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 85-aad kooxda Liverpool ayaa heshay goolka barbaraha waxaanna ciyaarta 1-1 ka dhigay Adam Lallana.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah oo ay ku kala baxeen labada kooxood Manchester United iyo Liverpool, kaddib kulan aad u xiiso badan ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.

 

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Ciyaartii Caawa oo Xiiso Badan lahayd

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker