Hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka Budhcad badeeda Soomaaliya oo mudada loo kordhiyay.

 

Dowladda Ingiriiska ayaa lumisay marti gelinta Xafiiska ugu wayn ee Midowga Europe ee la dagaalanka Budhcad Badeedda Soomaaliya.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay qorshaha uu Ingiriiska uga baxaayo Midowga Europe ee loo bixiyay Brexite

Midowga Europe ayaa sheegay in Xafiiskii hawlgalka ee ku yaalla  Ingiriiska sanadka soo socda loo wareejinaayo dalalka France iyo Spain oo laga furayo halkaas.

War ka soo baxay Midowga Europe waxaa lagu sheegay in Xafiiska la dagaallanka Budhcad Badeedda Soomaalida ah ee ku yaalla Waqooyiga London loo wareejinaayo Magaalada Rota ee dalka Spain, wixii ka dambeeya 29-ka March 2019 markaas oo ah maalinta ay Ingiriisku ka baxayaan Europe inteeda kale.

Dhinaca kale howlgalka Midowga Europe ee la dagaallanka Budhcad Badeedda Soomaaliya ayaa lagu kordhiyay waqti kale, waxaana la gaadhsiiyay illaa December 2020-ka.

Hawlgalka ayaa ka billowday Biyaha Soomaaliya Sanadkii 2008-dii, markaas oo ay sare u kaceen Weerarrada ka dhanka ah Maraakiibta Shisheeye ee Biyaha Soomaaliya iyo gacanka Cadan mara.

Sidoo kale ku xigeenkii Taliyaha Hawlgalka Midowga Europe ee la dagaallanka Budhcad Badeedda Soomaaliya Admiral Antonio Martorell Lacave,ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee howlgalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker