Somalia Waxaan Kala.Shaqaynaynaa Mashruuca BRI,, Madaxwaynaha Shiinaha

Bejieng (OWN)  Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinpiing ayaa Isniintii sheegay inuu diyaar u yahay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala shaqeeyo xoojinta wada-shaqeynta labada dal.

Xi Jinping ayaa hadalkan sheegay ayada oo labada madaxweyne ay is-dhaafsadeen farriimo isu hambalyeyn ah oo lagu maamusayo sanad-guuradii 60-aad ee ksoo wareegtay markii labada dal ay sameysteen xidhiidh diblomaasiyadeed.

 

Madaxweyne Xi ayaa sheegay inuu doonayo inuu Soomaaliya kala shaqeeyo sidii ay qeyb uga noqon lahayd barnaamijka dhaqaale ee Belt and Road Initiative (BRI) ee isku xidhaya Shiinaha iyo 70 dal oo kale, si ay uga faa’iideystaan labada dal.

 

Hadalka Xi ayaa imanaya ayada oo labada dal ay dhowaanahan isu muujiyeen garab istaag kadib markii laba gobol oo ka kala tirsan oo kala ah Taiwan (China), iyo Somaliland (Somalia) ay sameysteen  xidhiidh diblomaasiyadeed.

 

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa labaduba markaas kadib soo saaray qoraallo xooggan oo midba mid kale uu ku xaqiijinayo sida uu U ilaalinayo madax-banaanida iyo qaranimada midka kale, waxayna cambaareeyeen tallaabooyinka Somaliland iyo Taiwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker