Gabadhii loogu hambalyeeyay kamid noqoshada wasiirrada ee sida deg dega ah looga saaray iyo hadal haynta ka dhalatay

Maryam Shetty ayaa Iyadoo ay jirtay dood markii magaceedu ka dhex muuqday dadka uu madaxweynaha horgeeyay baarlamaanka ayaa dood cusub la furay kadib markii magaceeda laga saaray.

Waxaa la dhihi karaa tallaabadaasi waxa ay ay noqotay mid lama filaan ah.

Bilowgiiba, madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu, ayaa soo bandhigay magaca Maryam Ibrahim Shettima, oo ka mid ah kuwa loo magacaabi doono wasiirrada ka soo jeeda gobolka Kano.

Guddoomiyaha aqalka sare ee senate-ka, Senator Godswill Akpabio ayaa arrintan ku sheegay warqad uu madaxweynuhu u diray aqalka oo uu ka akhriyay fadhigii Jimcihii.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya Maryam Shetty oo ku sugan xarunta baarlamaanka federaalka subaxnimadii Jimcaha si loo xaqiijiyo.

Wararka ayaa sheegaya in xiligaan ay heshay warka ah in lagu bedelay labo magac oo kale oo kala ah Festus Keyamo iyo Dr. Maria Mairiga.

Kadib markii uu soo baxay warka sheegaya in meesha laga saaray magaca Shetty ayaa waxaa dood ka dhacday fagaarayaasha iyo baraha bulshada.

Sida ay u jireen fikrado kala duwan markii magaceeda la shaaciyay, waxaa sidoo kale jiray fikrado iska soo horjeeda ka dib markii magaceeda meesha laga saaray.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiray dad badan oo ugu hambalyeeyay horraan I ay kamid noqoto golaha wasiirrada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker