Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi oo Soo Dhaweeyay Ansixinta Gudsiga Ururada

Waxaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa, Gudiga heer Qaran ee Diwaan gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada Qaranka.

Dalku maanta wuxuu leeyahay commission Qaran oo sharci u haysta shaqadiisa loo igmaday.

Waxaan ka xumahay gacan ka hadalka iyo fowdadii ka dhacday fadhigii Gollaha wakiilada ee maanta, Waxaa kaloo lama filaan iyo ayaan daro ahayd, in aynu arkaynay in rabshada ay gaadhay Shirgudoonkii Gollaha.

Sharafta milgaha iyo meeqaamka Gollaha may ahayn lagamana filayn in ay ka dhici karto dhacdo noocan oo kale ahi. Waxaan rajaynayaa in ay mudanayaasha Golluhu ixtiraamaan dadkii soo doortay iyo hooyooyinkii cad-ceeda u taagnaa si ay codkooda u siiyaan, dhawraana xeerarka iyo shuruucda Golaha, shaqadoodana ay u gutaan si hufnaan iyo aqooni ku dheehan tahay.

Ugu dambayn xubnaha iyo madaxda kala duwan ee urur siyaasadeedka waaberi waa inay u diyaar garoobaan hanaanka diwaangelinta iyo ansixinta ururada oo dhawaan la bilaabi doono insha allah,

Allaah Mahad Leh
Abdirisaq Ibrahim Ataash

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker