Maamulka Togdheer iyo Hay’adda UNICEF oo Isku Raacay inay Kordhiyaan Mashaariicda Gobolkaas

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa la kulmay masuuliyiin ka tirsan hay’adda UNICEF, kulankaas oo ku saabsanaa sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariicda hay’adaasi ka wado gobolkaa.

Sida uu  ugu  waramay  warbaahinta gobolka Togdheer , kulankaas ayaa ka qabsoomay xarunta maamulka gobolka Togdheer waxa goob-joog ka ahaa qaar ka mid masuuliyiinta laamaha dawladda ee ka hawlgala gobolkaas.

 

Isu duwaha wasaaradda horumarinta caafimaadka ee gobolka Togdheer Aadan Cilmi Diiriye, ayaa oo kulankaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay hay’adda UNICEF warbixin ka siiyeen xaaladda adeegyada caafimaad ee gobolkaas, waxaanuu intaas ku daray in kulankaasi ahaa mid muhuum ah caafimaadka gobolkaas.

 

Sarkaal ka socday hay’adda UNICEF oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in hay’addaasi mashaariic kala duwan ay ka wado degaano hoos yimaada gobolka Togdheer, waxa kale oo uu sheegay inay wada shaqayn fiican la leeyihiin masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo ka degmada Burco.

 

Ugudambayn guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, ayaa sheegay in kulanaasi ahaa mid is xogwaysi ah, waxaanu intaas ku daray in shirkaas ay hay’adda UNICEF iskula soo qaadeen sidii loo sii xoojin lahaa mashaariicda kala duwan ee hay’addaasi ka wadaan gobolka Togdheer.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker