Diiwaan-gelinta shacabka ka codeynaya doorashada 2021-ka dhacaysa Somalia la billaabayo

Muqdisho (OWN) – Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka  Somalia ayaa ku dhowaaqay qorshe lagu diiwaan-gelinayo malaayiin qof oo Soomaali ah, si ay uga qeyb qaataan wax noqon kara doorashadii ugu horreysay ee qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda muddo ka badan nus qarni.

 

Guddoomiyaha Guddiga  Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo loo yaqaan   (Xaliimo Yarey )    ayaa sheegtay in guddiga uu diiwaan-gelinta cod bixiyayaasha billaabi doono bisha March ee 2020.

Waxay sheegtay in boqolaal Xarumood  oo diiwaan-gelin ah la furi doono si ay cod bixiyayaashu ugu diiwaan geliyaan qaabka faraha ee Loo yaqaano( finger printing) .

“Ugu yaraan waxaan dooneynaa inaan diiwaan-gelino laba illaa saddex milyan oo qof oo Soomaali ah,” ayey tidhi Xaliimo Yarey oo wareysi bixisay.

 

Shacabka Soomaaliya ayaa la qiyaasaa inay dhan yihiin 12 milyan oo qof, hase yeeshee waxaa la gaari karaa oo la diiwaan-gelin karaa kaliya bar ka mid ah, sida ay sheegtay Xaliimo.

 

 

“Dad badan ayaa ku nool dalka dibaddiisa. Qaar badan ayaa qaxooti ah. Somaliland waa gooni. Waxaa jira goobo ay maamusho Al-Shabaab oo dad badan ay ku sugan yihiin,” ayey tiri Xaliimo Yarey.

 

 

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in shirkado ajnabi ah ay dalka iman doonaan sanadka soo socda, si ay ula kulmaan saraakiisha doorashada ugalana hadlaan qaabka farsamo ahaan loogu guuleysan karo diiwaan-gelinta.

 

 

 

Si kastaba Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in ka hor inta aan la diiwaan-gelin shacabka, ay marka hore qasab tahay in baarlamanka uu ansixiyo sharciga doorashada. Sidoo kalena loo baahan yahay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker