Wasiirka Beeraha JSL oo dalka Holland kaga qayb galay shir lagaga hadlay Horumarinta Wax soo saarka Beeraha

Wasiirka Wasaarada Hormarinta Beeraha Somaliland Mudane Ahmed Muumin Seed ayaa Ka qayb galay shir  Lagaga hadlayay  Wax soo saarka Beeraha Kulankaas oo ka dhacay Wadanka Nederland (Holland).

 

Ugu Horeyn Waxa hadalka furay wasiir Axmed Muumin Seed oo u mahad celiyey dadkii shirkaasi soo qaban qaabiyay,  isagoo dhanka kalena wasiirku halkaasi ka akhriyay khudbad dheer oo uu kaga waramay qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Somaliland ee dhinaca beeraha.  Waxa uu wasiirku sidoo kale ka codsaday xukuumada Nederland (Holland) inay Somaliland ka caawiyaan horumarinta beeraha iyo in la isweydaarsado aqoonta casriga ah ee  la xidhiidha beeraha.

 

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa waxa kale oo uu  si guud uga waramay xaalada Somaliland iyo horumarka baaxada leh ee  dalka ka socda.

Sidoo kale waxa isaguna shirka ka hadlay Mr.Harry van Bommel oo  ah xildhibaan hore oo u dhashay dalka Holland isla markaana u ololeeya qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland. Waxaanu sheegay mr.Harry Van Bomel inuu tagay Somaliland kuna soo arkay indhihiisa xaalada nabadgelyo iyo xasiloonida ka jirta iyo horumarka halkaasi ka socda. Wuxuuna ugu baaqay reer Somaliland inay xooga saaraan wax soo saarka beeraha

Waxa iyaguna ugu dambeyntii halkaasi ka hadlay xubno ka mida jaaliyada Somaliland ee dalka Holland.  Waxayna ugu baaqeen aqoonyahanka reer Somaliland ee dalkaasi ku nool inay aqoonta ay halkan ka  barteen uga faa’iideeyaan dalkii.

 

Wasiirka beeraha Somaliland dalka Holland shir kaga qaybgalay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker