Daawo: Falanqaynta Ciyaaraha iyo Isciil Kaambiga Tababare Frank Lampard

Tababaraha Chelsea, Frank Lampard  ayaa Barbarrihii ay kooxdiisu xalay la gashay Toban ciyaartoy oo Arsenal ah ku tilmaamay khaladaad aasaasi ah oo ay xiddigihiisu galeen.

Chelsea ayaa iska lumisay fursad ay saddex dhibcood kaga helaysay Arsenal oo daqiiqadii 28aad kaadh cas lagaga saaray daafaca reer Brazil ee David Luiz oo qalad ku galay Tammy Abraham, taas  oo  Blues loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Jorginho.

 

 

FALANQAYNTAAS OO DHAMAYSTIRAN KA DAAWO HALKAN HOOSE :

 

 

hase yeeshee Da’yarka Brazil u dhashay ee Gabriel Martinelli ayaa goolka barbarraha ah u dhaliyey Gunners qaybtii dambe ka hor intii aanay Chelsea ciyaarta oo lix daqiiqadood oo kali ahi ka dhiman tahay helin gool guusha u dhoweeyey oo uu u saxeexay Azpilicueta, hase yeeshee Hector Bellerin ayaa saddex daqiiqadood kaddib lugta bidix ku dhaliyey goolka barbarraha.

 

Frank Lampard  ayaa ciyaarta kaddib sheegay inuu aad uga niyad-jabsan yahay xaaladda ay ciyaartu ku dhamaatay, kooxdiisuna u qalantay inay guuleysato, waxaana uu carrabka ku adkeeyey inay lumiyeen fursado badan oo ay u raacday qaladaad aasaasi ah oo ay galeen daafaciisu.

 

“Waxaan ka niyad-jabsanahay xaaladda ciyaarta oo gebi ahaanba aanu u qalmaynay in aanu ku horreyno 1-0, inyar kaddibna ay noqotay in aanu la ciyaarno 10 laacib. Waxa aanu abuurnay wax nagu filan qaybtii dambe waana isla sheekadii ahayd in aanaan dhamaystirin fursadahayaga anaga oo samaynay khaladaad siiyey labada gool. Waxa laga yaabaa in ay muujinayso halka aanu joogno, waxyaabaha noocan ahna been ma sheegaan.” Ayuu yidhi Frank Lampard  oo ay wajigiisa cadho ka muuqatay.

 

“Si adag ayaanu u shaqayynay laakiin laakiin waa qaladaad aasaasi ah marka aad ciyaarta maamulayso ee aad ku dhamaysato inaad dhibco lumisay.” Ayuu raaciyey.

Tababaraha Blues waxa uu difaacay xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kane oo sabab u ahaa in Arsenal ay ka dhaliso goolka koowaad, waxaanu yidhi: “Qaladaadku maaha siibashada N’Golo Kante oo ah wax dhici kara, laakiin waa inay imanayaan meel ku dhow goolkayaga. Taasi waa xaalad hurdo kugu beeraysa, dadkuna waa inay shaqadooda gartaan.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker