Madaxwaynaha Maamul-goboleedkaKoonfur-galbeed Soomaaliya Shariif Xassan oo eedeyn u jeediyay ciidamada AMISOM

Madaxweynaha dowlad gobolleedka  Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa ku eedeeyay howlgalka midowga Africa ee AMISOM in ay ku fashilmeen isku furida sida uu hadalka u dhigay Waddada xiidhiidhisa Baydhabo iyo Muqdisho.

Shariif Xassan ayaa sheegay in marista waddadani muhiim u tahay bulshada isaga oo dowladda federaalka ugu baaqay in ay ka shaqeyso furista iyo nabadeynta waddadaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadada xidhiidhisa Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee tagta Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen in ay furaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan waddada xidhiidhisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahan qeybta gobolka Shabeellaha hoose ka geysta weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, waxaana waddadaa bilihii ugu danbeeyay lagu dilay tiro dad ah oo ka ay mid ahaayeen xildhibaaanno iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker