Dhamaan dugsiyada dalka Gini oo la xiray kadib qarax ka dhacay goob shidaalka laga qodo

Maamulka militariga dalka Guinea ayaa amar ku bixiyay in la xidho dhammaan iskuulada ku yaala caasimadda dalkaasi ka dib markii subaxnimadii isniinta uu qarax ka dhacay goob shidaalka laga soo saaro.

Qaraxan oo ka dhacay xarunta keydka shidaalka ee shirkadda shidaalka Guinea oo ku taalla xaafadda Kaloum ee magaalada Conakry ayaa sababay dab xooggan, kaasoo ku qasbay dadkii goobta ku sugnaa inay ka qaxaan.

Lama xaqiijin tirada dhimashada balse sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen shilkaasi 84 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka milatariga ayaa amar ku bixiyay in la xidho dhammaan dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah ee aagga, waxayna ku booriyeen shaqaalaha inay guryahooda joogaan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker