“Culimadda Kox-diimeedkan Cusub Ee Ansaru Sunna, Anigu Hore Umaan Maqlin Ee Al Islaax Camal Miyaa?”. Siyaasi Cali Guray.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Ka hadlay Culimadda Aw-diinka Ansaru Sunna La yidhaahdo Iyo dalabkoodda ah Inuu Madaxweyuhu Uu Caafiyo Oo Uu Sii-daayo Sama-falle Cabdi-maalik Muuse Coldoon Oo Muddooyinkii u dambeeyey Ku Xidhan Xabsiga Mandheera Ee Degmadda Mandheera Ee Gobolka Saaxil.
Siyaasi Cali Gurey, Ayaa Ugu Horeynba hadalkiisa Ku Yidhi Siddan “Culimadda Kox-diimeedkan cusub ee Ansaarul Sunna anigu hore umaan maqlin eh Al islaax camal miyaa? Ma heer caalami baa, ma heer goboleed baa, mise waaba heer qaran oo waa Somaliland? Hadii ay Somaliland tahay si rasmi ah oo sharci ah ma uga diiwaan gashan tahay oo ma u hogaansan tahay mana ku hawlgashaa qaynuunka Somaliland. Goorma ayaa la asaasay, yaana asaasay?.
Coldoon iyo cidda wax ka tirsanaysa ee dacwaysay (hadii ay jirto) anigu waxan ogolahay in sharciga hortiisa ay u sinaadaan dhinac walbana uu cadaalad helo. Culimadani laba dhinac may eegin waxna may dhexdhexaadin keliya waxay u hadleen Coldoon oo sida ay u arkaan isagu dhibane ah. Ee hadaba Coldoon ma isagaa dhibane ah mise waa eedaysane oo cid kale ayaa dhibane ah?
Anigu kuwa hamigooda ugu wayn iyo inta cilmigoodu gaadhaa ay aduunyo ku kooban tahay ee madaxnimo iyo lacag u waashay uma aqaan culimo ee waxan idhaa Wadaad Siyaasi hadana iyagu in siyaasiyiin lagu sheego ma ogola. Waa in xagga diinta kaa soo galaan. Kuwani hadaanay kuwaa ahayn oo ay lilaahi yihiin waa culimo wanaagsan eh ha la ixtiraamo. Hadii ay pro-Ikhwaaniyiin yihiin ha la soo baxaan barnaamijkooda Islaama Asiyaasi (political Islam) in kasta oo ay jartu ku xun tahay saaxiibada ay isku fikirka yihiin oo hadda ay laambaddu ka sii bakhtiyayso Xisbul Nahda ee Tunis iyo Xisbiga Ardogan ee Turkiga oo labadiiba uu maddane dab ugu jiro. Dee Nimankii fikirkaba lahaa ee Akhwaanul Muslimiin ee Masar wixii ku dhacayna waa tii la ogaa ee sanad markay guushii haysteen hadh cad loo badheedhay. Mee Xisbul Islaaxii ee Yaman iyo Cali Cabdalle Saalaxii ay la daawaysteen. Sawtii lagu saliday xuuriyeen shiico ah oo wada takhsiinsan. Cumar Al Bashiir iyo xisbigiisii mee? Maxkamadda Dembiyada Dagaalka waydii ninkii odayga ahaa”.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker