Ciidamada Iiraan Oo Digniin U Diray Madaxweyneyaasha Dalalka Mareykanka Iyo Israel

Militariga Iran ayaa maanta kaga digay Mareykanka iyo Israel inay awood ugu hanjabaan Iran, kadib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu sheegay inuu awood ciidan u adeegsan doono haddii ay noqoto xalka ugu dambeeya, si uu uga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah.

“Mareykanka iyo sanhnuuniyadda (Israel) aad ayey u ogyihiin qiimaha adeegsiga ereyga ‘awood ka dhan ah Iran,’” waxaa sidaas yiri General Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeen u hadlay ciidamada Iran, oo ay soo xigatay warbaahinta dowladda.

Ayada oo uu weydiiyey taleefishin Israeli ah, haddii hadalkiisa ah inuu ka hortagi doono in Iran ay hesho Nukliyeer uu ula jeedo inuu awood ciidan u adeegsan doono, Biden wuxuu ku jawaabo “taasi haddii ay noqoto xalka ugu dambeeya, haa.”

Khamiistii, Biden iyo ra’iisul wasaaraha Israel Yair Lapid ayaa Jerusalem ku saxiixday ballan-qaad wadajir oo ah inay Iran u diidaan hub nukliyeer.

Iran waa ay beenisaa inay raadineyso hub Nukliyeer ah, waxayna sheegtaa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid ujeeddada laga leeyahay ay tahay mid nabadeed.

Tehran ayaa heshiis la gaartay lixda quwadood ee caalamka ugu awoodda badan 2015-kii, kaasi oo lagu xadiday kobcinta barnaamijkeeda uranium-ka, si loo akdeeyo inay horumariso hub nukliyeer, waxayna ku bedelatay in laga qafiifiyey xayiraadihii dhaqaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker