“Cunista qaadku waxay leedahay dhibaatooyin dhaqaale,mid  qoys iyo Caafimaad darro “

Cunista qaadku waxay leedahay dhibaatooyin dhaqaale,mid  qoys iyo Caafimaad darro, waxaana lagama maarmaan ah in bulshada ay dagaal u galaan sidii loo joojin lahaa adeegsiga maandooriyahaasi oo ay caadeysteen dad badan.

Xilliga duhurnimada magaalooyinka dalka   waxaa si aad ah u kor ugu kaca saxmadda ama cidhiidhiga  waddooyinka waxaana la arkaa gaadiid si xowli ah ku socda, gaadiidkaas oo wada qaadka oo xilligaas soo dhaca.

Sidoo kalena waxaa kordha sawaxanka, buuqa iyo qeylada goobaha qaadka lagu iibiyo Waxayna dadka qaar ku kaftamaan xilligaas oo kale “Waxaa yimid Madaxweynihii Dalka “ oo ay ula jeedaan qaadka.

 

Maxamed Cabdi waxaa uu ka mid yahay dadka qaadka cuna  wuxuu qabaa in qaadku uu yahay balwad oo aanu wanaagsaneyn “ Waxaan qabaa in si balwad ah aan ku bartay oo aanay jirin faa’ido aan arki karo oo aan ka helay”

Waa kuwee noocyada qaadka ee la iibiyo   mase jiraan qiime go’an oo la siiyo marduufka qaadka ah maxaase lagu xushaa ayaan weydiiyey  Maryan Cali oo qaadka ku iibisa  .

Waxaa kale oo ay Maryan ka warrameysaa  dhibaatooyinka ay ku qabto iibinta qaadka iyo haddii ay jeclaan laheyd shaqo kale oo ay ku bedelato iibinta qaadka iyadoo leh

“Haddii aan heli karo shaqo kale ma sii iibiyeen waayo waa shaqo dhibaato badan duruufta oo keliya ayaa nagu kallifeysa”

 

Ka sokow dhibaatooyinka caafimaad iyo bulsho ee uu leeyahay qaadka, ma jiraan dhibaatooyin caafimaad ee uu leeyahay ayaan weydiiyey dhaqtar C/llaahi Sahal , wuxuuna dhaqtarku sheegay in qaadka uu yahay aafo dhinaca caafimaadkana laga qaado cudurro uuna hoosaasiyo kuwo aan markaas muuqan balse gadaal qofka uga soo baxa .

Waxaa jira dad qaadka isticmaali jiray oo muddo markii ay cunayeen iska dhaafay hataanna aan cunin, side ugu suurta gashay, markii ay dhaafeena maxay dareemeen.

 

Jaamac Maxamed C/kariim wuxuu ka mid yahay dadka hore u cuni jiray qaadka wuxuu ka warramayaa xaaladdiisa haatan markii uu qaadka joojiyey ka dib wuxuuna yidhi

“Qaadka waa wax laga reysto waxaan dareemayaa caafimaad, dhaqaale ahaana waa soo kabtay , hadda waan hurdaa xilligii horena waxaan ahaa qof mar walba hurdadiidu qabyo tahay “

 

Si kastaba ha ahaatee qaadku waxaa uu ka mid yahay maandooriyeyaasha wuxuuna waxyeello u leeyahay jeebka oo wuxuu la dagaalamaa dhaqaalaha isagoo sidoo kalena dhibaato u leh dhaqanka qoyska , akhlaaqda iyo caafimaad waxaana bulshada u wanaagsan in ay la dagaalanto cunistiisa.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker