Madaxwaynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan oo saami weyn ku yeeshay banki caan ah

Muqdisho (OWN) – Wargeyska Indian Ocean ayaa qoray in isbeddel weyn oo dhanka maamulka iyo saamiga ah uu ka dhacay Bankiga Salaam African Bank ee dalka Jabuuti.

Warbixinta wargeysku daabacay ayaa lagu sheegay in afhayeenkii hore ee baarlamanka Soomaaliya sidoo kalena ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu noqday qofkii labaad ee saamiga ugu badan ku leh bankiga.

Shariif Xasan ayaa ku xiga saami laha ugu weyn bankiga oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Axmed Cali oo madax ka ah shirkadda guryaha ee Al-Rayaan, sida warbixinta ay tidhi.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay inay suurta-gal tahay in Shariif Xasan uu dhowaan ku biiro guddiga maamula Bankiga, oo sidoo kale ay ka mid yihiin Maxamed Axmed Cali iyo Cusmaan Ducaale Dirir.

Xidhiidh aan la sameynay Shariif Xasan si aan wax uga weydiino arrintan nooma suurta-gelin inaan jawaab ka helno.

Shariif Xasan oo ka degay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed bishii November ee sanadii 2018 kadib Markie uu dagaal siyaasadeed oo adag uu la galay dowladda federaalka, ayaan gabi ahaanba lagu arag saaxadda siyaasadda iyo goobaha dadweynaha tan iyo markaas.

waxaa soo Turjumay Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker