Ra’iisul-wasaaraha New Zealand Oo Loo Soo Bandhigay Inay Diinta Qaadato Islaamka

Wellington (OWN) Shabakadda Wararka Pakistan ee thenews.com.pk ayaa qortay in ra’isul wasaaraha dalkaasi, Jacinda Ardern ay wada-hadal la yeelatay  nin dhallinyaro muslim ah, kaasi oo ku casuumay inay ku soo biirto ama qaadato Islaamka.

Wada-hadalka dhex maray Ra’isul wasaaraha iyo ninka dhallinyarada Muslimka ah waxay dhaliyeen su’aalo xasaasi ah, haddii ay doonayso inay qaadato Islaamka.

Inkastoo ay hoggaamiyayaasha siyaasadda ee dalka New Zealand taageero u muujiyeen mujtamaca muslimiinta, kadib, markii weerarkii Argagixisadda ee lagu qaaday Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch.

Balse, Ra’isul-wasaare Jacinda  Ardern waxay toogashadaasi kadib ku guuleystay ammaan ay ka heshay dhamaan  Caalamka.

Durbadii uu dhacay weerarkaasi kadib, waxay booqatay Masjidka, waxayna la kulantay qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen toogashadaasi. Waxaa si buuxda caalamka uu ugu ammaanay, iyadoo xiratay Xijaabka markii ay la kulmaysay qoysaska Shahiidiinta.

Wada-xaajoodka dhex maray Ninka dhallinyarada Muslimka ah iyo Ra’isul wasaaraha waxa uu soo-jiidasho noqday, markii uu Ninka dhallinyarada ku casuumay inay qaadato Islaamka. Ra’isul wasaaraha si taxadar leh ayey u dhegeysatay, waxayna casuumaadiisa inay soo gasho Islaamka kaga jawaabtay dhoola-caddayn.

Waxa uu Ninkii Muslimka ahaa yiri “Xaqiiqdii waxa halkan i keenay waa adiga. Waxaan oynayey maalin kasta saddexdii maalmood ee ugu dambaysay. Waxaan samaynayey hal duco oo ka timid Alle iyo inaan iraahdo waxaan doonayaa inay hoggaamiyayaasha kale awoodaan inay eegaan aqoontooda hoggaamineed. Hal rabitaan ayaa ah inaan rajeynayo inaan hal maalin soo geli doontid Islaamka, waxaana rajeynayaan inaan ku wada kulanno Janada”.

Ra’isul wasaaraha New Zealand waxay iyadana ku jawaabtay: “Islaamka waxa uu ku barayaa aadanimadda, waxaana u malaynaa inaan anigu haysto taasi”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker