Maxaa uu Turkiga ka yidhi heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya?

Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray dalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda gooni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somaliland, waxa uu dhaliyey hadal hayn badan.

Tan iyo intii uu soo baxay heshiiskaas ku saabsan deked ay Itoobiya hesho iyo aqoonsiga Somaliland, waxaa isasoo tarayey falcelinneda ka imanayey qaar ka mid ah waddammada beesha caalamka iyo gudahaba.

Turkiga oo la filayey in uu arrinkan ka hadlo ayaan ka mid nqon dalalka sida degdegga ah uga falceliyey, haseyeeshee afar maalmood kadib ayuu war kasoo saaray, iyada oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiskan is-afgarad ee ay dhinacyadu gaareen iyada oo “aysan ogeyn ogolaanshana laga haysan Dawladda Soomaaliya”.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in mowqifkani uu sidoo kale shardi u yahay sharciga caalamiga ah” ayaa lagusii daray bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.

Waxaa xusid mudan in uu Turkigu gadhwadeen ka ahaa, wadahadalladii u dhexeeyay DFS iyo Somaliland, taas oo sida uu qabo Axmed Zaki keeni kartay in uu mowqifkiisa ku degdegin Turkigu.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker