Daawo: Falan-Qaynta Ciyaaraha , Halyeygii reer Brazil ee Pele kama soo bixi karo Guriga uu deggan yahay

Halyeygii reer Brazil ee Pele kama soo bixi karo guriga uu deggan yahay ee ku yaalla waddankiisa, illaa uu helo qof garbaha qabta oo soo gaadhsiiya gaadhi-curyaankiisa u ogolaada inuu qabsado albaabka gaadhiga uu darawalku u kaxeeyo.

Pele oo ku guuleystay saddex Koob OO Adduun Ah , laguna tilmaamo boqorka kubadda cagta iyo xiddigii ugu wanaagsanaa abid ciyaaryahannadii kubadda cagta lugtooda taabsiiyey, waxa sannadkii hore la dhigay cusbitaal kaddib markii ay ku adkaatay kaadida oo uu infakshan kaadi-mareenka ah ku dhacay.

Halyeygan 79 jirka ah, awood uma laha inuu kalidii ku istaago lugihiisa, waxaana kaliya uu ku socon karaa gaadhi-curyaan amaba shabaq uu qabsado oo uu kor ugu istaago, kana caawiya inuu lugihiisa marba mid si qunyar ah u qaado.

FALANQAYNTAAS OO FAAHFAASAN HALKAN HOOSE KA DAAWO:

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker