Qoys Soomaali Ah Oo Xabsi Lagu Xukumay Kadib Markii Sirtooda Laga Ogaaday Fariimo Ay Isu Mariyeen Whatsapp-ka

Xubno ka tirsan qoys Soomaali ah ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada London, ayada oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha farriimo ay ku wadaageen WhatsApp.

Xubnahan ayaa la sheegay inay WhatsApp Group ku wadaageen fariimo la sheegay inay ku muujiyeen farxad iyo taageero ay u hayaan weerarkii ka dhacay deegaanka Westminster ee badhtamaha magaalaadda London, sannadkii 2017-kii.

Haweeney lagu magacaabo Asma Aweys oo 30 jir ah, ayaa waxaa lagu xukumay 19-bilood, halka walaalkeeda oo lagu magacaabo Axmed Aweys lagu xukumay xabsi 25-bilood ah.

Sidoo kale, maxkamadda London waxay Asma ninkeeda oo lagu magacaabo Cabdicasiis Abu Munye ku xukuntay xabsi 15 bilood ah.

Qoyskaasi oo xukunka lagu riday bishan Janaayo 25-dii ayaa la sheegay inay soo degsadeen ama download gareysteen muuqaallo kooxda Daacish, isla markaana ay isku dhaafsadeen barta ay qoyskaasi ku leeyihiin WhatsApp Group, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Dhinaca kale, Labo ka mid ah qoyskaasi oo lagu kala magacaabi jirey Weli Aweys iyo Suleymaan Aweys oo la sheegay inay u socdaaleen dalka Syria bilowgii sannadkii 2015-kii, ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker